
Soomaaliya: Raysal Wasaare ku Xigeenka Labaad oo Dhismaha Wado Cusub Dhagax Dhigay
Muqdisho: Raysal Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere ilaa Shibis. “Waddo markii la dhiso waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo goobo biyo…