
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo La Kulmay Madaxa UNDP si Looga Wada Hadlo Sugidda Amniga Doorashooyinka
Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mr. Lionel Laurens, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xafiiskiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Hay’adda UNDP, gaar ahaan arrimaha la xiriira…