
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Jamaame. Deegaanada howlgalada ay ka fuliyeen ciidamada is kaashanaya waxaa ka mid ah Muuse Xaaji, Malaayley, Bandar jadiid iyo Haraare oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka…