Taliska Ciidanka Booliiska degmada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saaray amar rasmi ah oo ku wajahan ganacsatada magaalada, kaas oo faraya in ay goobahooda ganacsi ku rakibaan kaamirooyinka ilaalinta (CCTV), si loo xoojiyo amniga magaalada.
Taliyaha Booliiska degmada Dhuusamareeb, Dhame Nuur Cilmi Maxamed, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimadda Galmudug. Wuxuu sheegay in kaamirooyinka CCTV ay door weyn ka qaadan doonaan la socodka dhaqdhaqaaqyada magaalada iyo ka hortagga falalka amni darro.
“Ganacsatada waa inay goobahooda ku rakibaan kaamirooyinka CCTV, si loo sugo amniga magaalada Dhuusamareeb. Tani waxay sahli doontaa in si degdeg ah loo helo xogaha muhiimka ah marka falal amni darro ay dhacaan,” ayuu yiri Taliye Nuur Cilmi.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale baaq u diray shacabka ku nool magaalada, isagoo ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida guud ee Dhuusamareeb.
Dhinaca kale, Taliye Nuur Cilmi ayaa digniin adag u diray askarta hubka ku dhex wata gudaha magaalada, isagoo sheegay in ficilkaas uu khatar ku yahay amniga iyo shacabka, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono askari kasta oo lagu arko isagoo hub ku dhex sita meelaha dadweynuhu ku badan yihiin.
Amarkan cusub ee kasoo baxay Taliska Booliiska Dhuusamareeb ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada ay kusoo kordheen falal amni darro, kuwaas oo sababay cabsi soo food saartay shacabka, taasoo keentay in hay’adaha ammaanku ay qaadaan tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo khatartaas.