Banaanbaxii Magaalada Muqdisho Oo Dib U dhacay

Muqdisho –Mucaaradka dowladda Soomaliya ayaa sheegay in maanta banana bixii lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho uu dib u dhacay, kaddib dadaallo diblumaasiyadeed iyo kuwo bulshada dhexdeeda ah oo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay kulammo la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, iyo xildhibaanno si loo yareeyo abaabulka dibadbaxa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu dadaal ugu jiro inuu wadahadal la furo xubno ka tirsan mucaaradka, si looga hortago xiisad hor leh.

Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa dhaliilay in Villa Somalia ay adeegsato xeelado kala furfur ah si loo wiiqo midnimada Madasha Samatabixinta. Hase yeeshee, Villa Somalia weli kama aysan hadlin arrintan si rasmi ah.

Waxaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ay noqon doonaan kuwo go’aamiya jihada ay u socoto mucaaradnimada, iyo sida ay dowladda u wajahdo baaqyada ku saabsan wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *