Wargeyska

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay 

Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro. Labada dhinac…

Read More

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sahmintii shidaalku ay heer gabangabo ah marayso

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee Turkigu uu Soomaaliya ka wadday ay soo gabagabowday, islamarkaana boqolkiiba 70 la ogaaday xogtii la raadinayay. Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed oo laanta Af-soomaaliga ee VOA-da la hadlay ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaas ku daray in…

Read More

Taliyaha Ciidanka dhulka oo hawlgallo lagu dardargalinayo dagaalka ka dhanka ah al-Shabab kawada Shabeellada Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo maalmahan ku sugnaa Furimaha hore ee Shabeellada Dhexe ayaa kormeer lagu dardar-gelinayo Ciribtirka al-Shabab waxaa uu maanta ku tagay Difaacyada Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka. Sarreeye Guuto Sahal ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan Fariisimaha uu maanta booqday ku bogaadiyay diyaargarowga…

Read More

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Xiriirka kala Dhaxeeya Imaaraadka uu Wanaagsanyahay

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Mudane Cali Balcad ayaa tilmaamay in xiriirka hadda ee labada dal uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana labada dowladood uu ka dhaxeeya iskaashi dhan…

Read More

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir. Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu…

Read More

Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab. Horjoogaha howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasoo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan…

Read More

Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Golaha Shacabka uga naqay ansixinta Hindise Sharciyeedka…

Read More

 Madaxweyne Cirro oo kulan wada-tashi ah la qaatay madaxdii hore ee Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galabta kulan isugu yeedhay Madaxweynayaashii 3aad iyo 5aad ee Somaliland, si uu ugala tashado xaaladda guud ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa, sida uu ku sheegay boggiisa Facebook, kulan afur ah la qaatay Madaxweynayaashii hore, Muuse Biixi Cabdi iyo Daahir Rayaale Kaahin, si uu ugala tashado arrimaha muhiimka ah ee…

Read More

Dowlada Federaalka ah iyo Hay’adda UNOPS oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda. Haayadda UNOPS ayaa howshaan kusoo dhammeystiri doonto muddo 10 bilood ah…

Read More