Wargeyska

 Somaliland oo gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii mudada u socday dowladda Soomaaliya

Hargeysa – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay jartay wadahadalladii muddo ka badan toban sano u socday ee ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay xadgudub ku tilmaantay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu toddobaadkan ku tagay magaalada Laascaanood. Go’aankan ayaa kasoo baxay fadhigii Golaha Wasiirrada…

Read More

RAYSAL WASAARE XAMSE OO BOOQDAY XARUMAHA DIIWAN GELINTA COD BIXIYEYAASHA

Raysal Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan-gelinta dadweynaha. Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Duqa muqdisho iyo ma’uuliyiin kale ayaa ku biiray muwaaddiniinta halkaasi iska diiwaan-gelinaysa. Mudane Xamsa ayaa sheegay in dadka maanta ay bacadka u taaganyiihiin in…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga. Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii…

Read More

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka al-Shabab

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo wado dardargelinta iyo abaabulka howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa booqday aagga Sumadaalle oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida iyo xaq-u-dirirka deegaanka. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa goobta kulan kula qaatay saraakiisha waxaana lagu gorfeeyay sida ay suuragal ku tahay duullaan mid ah oo lagu qaado…

Read More

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qaybgashay xuska 70 Guurada shirkii Bandung ee Beijing

Beijing: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay shir caalami ah oo lagu xusayay 70 guurada Shirkii Bandung, kaas oo ka dhacay magaalada Beijing, ayna soo qabanqaabiyeen Akadeemiyadda Cilmiga Bulshada ee Shiinaha. Danjiraha oo la hadlaysay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday in ka badan…

Read More

DANJIRAHA SOOMAALIYA EE ETHIOPIA OO ADDIS ABABA UGA QEYB GALAY SHIR MUHIIM AH

Addis Ababa, Itoobiya – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa ka qayb galay kalfadhigii 24-aad ee aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika, oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa….

Read More

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada Dowladda Masar, General Osama Sayyid. Kulankan oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa diiradda lagu saaray xoojinta…

Read More

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Xeer-nidaaminta Xargaha Internetka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo lagu falanqeynayo qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Regulation), kaas oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha isgaarsiinta dalka. Kulankan oo ay ka qeybgaleen madax sare, sharciyaqaanno, iyo khubaro farsamo oo ka socda shirkadaha isgaarsiinta gudaha dalka, ayaa diiradda…

Read More

Maamulka SSC Khaatumo oo Maxabiis ku Wareejiyay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed

Laascaanood: Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah dowladda federaalka Soomaaliya ugu wareejiyey 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood. Maxaabiistaan ayaa lagu wareejiyey gacanta dowladda si loo geeyo Hargeysa, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka. Sii deynta maxaabiistan ayaa timid kaddib booqashadii dhawaan uu Ra’iisul…

Read More