Wargeyska

Midowga Afrika oo Taageero Buuxda u Muujiyay Soomaaliya, una Ballanqaaday Kordhin Lacageed oo Loogu Talo Galay AUSSOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa shir muhiim ah oo ay yeesheen ku muujiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goluhu wuxuu si cad u sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay garab istaagaan Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, isla markaana…

Read More

Degmada Balcad oo lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa iyadoo muran ka dhashay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ugu qabatay doorashada Guddoomiyaha degmada iyo labadiisa ku xigeen. Doorashada ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balcad, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ugu doortay Qaasim Cali Nuur inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Al-Alamayn ee dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Al-Alamayn ee dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi. Inta uu ku sugan yahay dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweyne Al-Sisi, si…

Read More

Iran oo sheegtay in ay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay Hay’adda Kormeerka Nukliyeerka QM

Tehran – Xiisadda ka dhex aloosan Iran iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’adda Kormeerka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA), ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Dowladda Iran si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd hay’addaasi, taasoo cabsi hor leh gelisay dunida. Go’aankan ayaa yimid wax ka yar toddobaad kadib…

Read More

Maraykanka oo markale sheegay in la burburiyay nukliyeerkii Iran, iyo Iran oo beenisay

Washington/Tehran – Xiisadda siyaasadeed iyo mid milatari ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa weli cirka isku sii shareereysa, iyadoo labada dhinac ay si isa soo taraysa u kala fogaanayaan, mid kastana uu sheeganayo guulo istiraatiiji ah, isla markaana uu beeninayo guulo uu sheeganayo dhinaca kale. Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa shir jaraa’id oo…

Read More

Duqeyn Cirka ah oo Lagu Dilay 18 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Ka Dhacday Gobolka Hiiraan

Hiiraan – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal duqeyn cirka ah oo si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah, kaas oo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku safraayeen deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan. Howlgalka oo dhacay saacadahii lasoo dhaafay ayaa si gaar…

Read More

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan Miro-dhal ah la Qaatay Wafdi Sare oo ka Socday Midowga Yurub

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo uu horkacayay Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Madaxa Qorsheynta Istaraatiijiyadeed ee Maaraynta Qataraha. Kulankan ayaa…

Read More

Wasiiru Dowlaha Caafimaadka oo Ka Qeyb Gashay Shir Caalami ah oo Looga Hadlayay Daawooyinka Xanuunnada Aan Faafin

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Drs. Maryama Maxamed Xuseen, ayaa ka qeyb gashay shir heer caalami ah oo lagu gorfeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka daawooyin tayo leh oo waxtar u leh la tacaalidda xanuunnada aan faafin (Non-Communicable Diseases – NCDs). Shirkan, oo lagu qabtay gudaha dalka aan la…

Read More

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Ankara, Turkiga – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Ankara, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalkaasi. Wasiirka ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay taageerada ballaaran ee dowladda Turkiga ay…

Read More