Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada Dowladda Masar, General Osama Sayyid.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood, iyo sidoo kale iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo casriyeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada tababarrada iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga waayo-aragnimada si kor loogu qaado waxqabadka hay’adaha dowliga ah, loona xaqiijiyo horumarka la higsanayo ee labada dal.
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar soo dhoweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee loo sameeyay weftiga Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhaxeeya labada dal.
Dowladda Masar ayaa ka mid ah dowladaha ay Soomaaliya xiriirka dhow la leedahay, iyadoo door muhiim ah ka qaadata taageerada dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta adeegyada dowladda.

