Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metala Maamul Goboleedka Jubaland ayaa digniin culus u diray Dowlada Soomaliya, iyagoona si gaar ah uga digay qorshaha dhismaha maamulka jubaland-ta cusub ee Garahaarey laga sameynayo.
Xildhibaanada warqada digninta ah ku saxiixan oo tiradoodu tahay 34 waxay ka digayaan in Dowladu sii wado faragelinta siyaasadeed ee Gobolka Gedo ay ka wado Dowladu.
Sidoo kale xildhibaanada waxay ka digeen burburinta maamulka Jubaland ee fadhisiiu yahay Magaalada Kismayo iyo dhismaha maamulo is garab socda.