Muqdisho – dhimashada 13 qof ayaa xaqiijiyey in ay ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose taasoo dhalisay dhacdayXiisad colaadeed , dadka la dilay ayaa lagu laayey duleedka deegaanka Yaaqberi-weyne, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay meel ceelbiyood ah oo lagu balamay in lagu gorfeeyo khilaaf soo jiitamayay, balse waxa lagu eedeeyay in ay fuliyeen ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, sida uu warbaahinta Shabelle u xaqiijiyey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shacabka deegaankaas ku matala Golaha Shacabka.
Dilka ayaa abuuray cabsi ku baahday bulshada deegaanka, iyadoo weli aanay jirin wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama dowladda federaalka ah.
Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in colaadda ay sii fido, maadaama qoysaska dadkii la dilay ay dalbadeen caddaalad degdeg ah iyo in la helo kuwii ka dambeeyay falkan.