Muqdisho – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Sulayman Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay saraakiil ka socotay Hay’adda GIST, oo ka shaqeysa arrimaha la dagaalanka dambiyada maaliyadeed, una fadhida dalka Ingiriiska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca la dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo sidii loo heli lahaa habab wax ku ool ah oo lagu fahmi karo xeeladaha ay kooxaha argagixisadu u adeegsadaan maalgelinta falalkooda.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xafiiskiisa ciribtirka dhammaan dambiyada maaliyadeed iyo maalgelinta argagixisada, kuwaas oo si weyn u saameynaya nabadgelyada, xasilloonida, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira la dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha dhaqaale ee ay sababi karaan ilaha maalgelin ee sharci darrada ah.