Xaalada Caafimad ee Adan Yabal ka dib la wareegidii al-Shabab

Warar la xaqiijiyay ayaa sheegaya inay xaalado caafimaad daro ka jiraan magaaalada Aadan Yabaal kuwaasoo si daran u saameeyay hooyada, dhalaanka iyo dadka waaweyn.

Cudurada ka dilaacay magaalada Aadan Yabaal ee Shabeelada Dhexe ee Dowlada Goboleedka HirShabelle ayaa la sheegayaa inay u badanyihiin Jadeecad aiyo shuban biyoodka.

In kastoo aan hada la heyn tiro koob rasmi ah, ayaa hadana la sheegayaa in magaaladaasi ah ka jirto caafimaad daro tii ugu liidatay. Nmaadaam aysan jirin wax isbitaal ah oo shaqeeynaya ayaa dadka ay cuduradu saameeyeen intooda badan loo soo qaadaa magaalooynka kale oo  ka ag dhow sida Jowhar, caasimada Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii ay dagaalmayaasha al-Shabab ay la wareegeen magaalada Aadan Yabaal 16 April 2025 ayagoo magaalada ku soo weeraray qaraxyo is xig xiga ka dibna ay si toos kagala wareegeen ciidamadii dowlada o Meesha isaga baxay. dagaalka ka dhaxeeya al-Shabab iyo ciidamada dowlada yaa bilowday 20 Febraayo ee 2025ta. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *