Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada bulshada iyo xuquuqul insaanka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Yemen ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, daryeelka qoysaska nugul, iyo ilaalinta xuquuqda dumarka iyo carruurta. Labada mas’uul ayaa muujiyay in wadashaqeyn joogto ah ay fure u tahay horumarinta barnaamijyada bulshada iyo kor u qaadista wacyiga xuquuqul insaanka.
Amb. Khadiija Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Safiirka Yemen booqashada sharafeed ee uu ku yimid Wasaaradda, iyadoo adkeysay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta iskaashiga diblomaasiyadeed ee ku saleysan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Wasiir Khadiija waxay xustay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto khibradaha labada dhinac si loo horumariyo siyaasadaha iyo barnaamijyada lagu taageerayo qoysaska iyo dadka nugul ee Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ay ku doonayso in ay ku xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada xuquuqda iyo horumarinta bulshada.