Wasiirka Maaliyadda XFS oo Sagootin Maamuus ah u Sameeyay Maamulihii Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, ayaa xalay kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay Mrs. Kristina Svensson, oo shantii sano ee la soo dhaafay ahayd Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya, iyadoo muddadii shaqadeeda ay ku egyahay dhammaadka bishan.

Mrs. Kristina Svensson, oo xilka Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya la wareegtay bishii July 2020, ayaa lagu ammaanay kaalintii muuqata ee ay ka qaadatay horumarinta iskaashiga Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habeynta maaliyadda iyo dadaalladii lagu gaaray deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulanka ka sheegay in Mrs. Svensson ay si dhab ah uga shaqeysay horumarka Soomaaliya, islamarkaana ay si dhow ula shaqeysay Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee dowladda si loo gaaro isbeddello maaliyadeed oo waxtar u leh dalka.

Intii uu kulanka socday, Wasiir Biixi ayaa Mrs. Svensson guddoonsiiyay Billad Sharaf iyo hadiyado dhaqameed muujinaya qadarin iyo mahadnaq rasmi ah oo dowladda Soomaaliya uga turjumeysa doorkeeda wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadcelisay wada-shaqeyntii wanaagsaneyd ee ay la lahayd Mrs. Svensson, waxayna uga rajeeysay guulo dheeraad ah mustaqbalkeeda shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *