Wasiirka maaliyadda oo shirar muhiim ah uga qayb galay Washingtom dc

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada loo dhan yahay ee ay shir-guddoonka ka tahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva isla markaana ay soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika kaasoo lagu qabtay Washington DEC, ee Dalka Maraykanka

Shirkan loo dhan yahay ayuu Wasiir Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ka jeediyay khudbad kooban oo uu diiradda ku saaray saameynta Isbaddalka Cimiladu ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii la socday ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdigii ka socday Dowaldda UK ee shirka ka soo qayb galay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgashiga iyo saameynta isbaddalka cimilada iyo sidii looga soo kaban lahaa. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan doceed wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF) Mr. Fahad Al-Turki, kulanka ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, Maalgalinta iyo Qorshayaasha Horumarineed ee Dhaqaalaha. Hay’adda AMF.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *