Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo uu horkacayay Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Madaxa Qorsheynta Istaraatiijiyadeed ee Maaraynta Qataraha.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadeed ee Dowladda Federaalka, dadaallada lagu casriyeeynayo ilaha dakhliga gudaha, iyo xoojinta xiriirka wadashaqeynta ee u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamka.
Sidoo kale, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato taageeridda miisaaniyadda dowladda, gaar ahaan kabka joogtada ah ee lagu garab istaago horumarinta adeegyada bulshada. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, taas oo qeyb weyn ka qaadatay xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Kulanka kaddib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wareejiyay deeq lacageed gaaraysa €10.5 milyan oo Yuuro, taas oo ah kab miisaaniyadeed loogu talagalay horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo adeega dadweynaha, kuwaas oo ah tiirarka ay Dowladda Soomaaliya si gaar ah u mudnaansiisay sannadihii u dambeeyay.
Deeqdan cusub ayaa la filayaa inay si toos ah u taageerto dadaallada dowladda ee ku aaddan dhisidda hay’ad maaliyadeed oo hufan, loo siman yahay, isla markaana u adeegta shacabka si waxtar leh oo joogto ah.