Nayroobi – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa kulan la qaatay madaxda Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta, kordhinta iyo ballaarinta Mashruuca Nagaad (SURP II) iyo mashaariicda kale ee dib u dhiska dalka ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii mashaariicdan loogu fidin lahaa deegaanada aan horey looga hirgelin.
Kulanku wuxuu ahaa mid is-faham iyo is-afgarad ku dhammaaday, iyadoo uu Wasiirku carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Hawlaha Guud in la xoojiyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka, si dhammaan maamul-goboleedyada dalka uga faa’iideystaan mashaariicda horumarineed ee ay beesha caalamku taageerto.
Kulankan ayaa horudhac u ah wadahadallo kale oo qorshaysan, kuwaas oo lagu xoojin doono iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, si kor loogu qaado adeegyada aas-aasiga ah iyo horumar waara loogu horseedo bulshada Soomaaliyeed.