Wasiirka hawlaha guud oo Nairobi kula kulmay madax ka tirsan QM

Nairobi – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Qaaradda Afrika ee Hay’adda UN-Habitat, Mr. Oumar Sylla.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UN-Habitat, iyada oo labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo ah Axdiga Iskaashiga (Agreement of Cooperation – AOC) kaas oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda guryeynta ee Soomaaliya.

Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qaybgalaya Shirweynaha Guud ee UN-Habitat (UN-Habitat General Assembly), kaas oo ay ka qeybgalaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, si ay uga wada hadlaan arrimaha horumarinta magaalooyinka, qorsheynta dhuleed, iyo la dagaallanka caqabadaha degsiimada.

Sanadkan, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa si weyn ugu dadaalaya in Soomaaliya ay xubinnimada ka hesho Golaha Sare ee Fulinta UN-Habitat, taas oo sare u qaadi doonta matalaadda iyo ka qaybgalka Soomaaliya ee go’aanada muhiimka ah ee ku saabsan dib-u-dhiska iyo guryeynta caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *