Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehelinayeen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa si rasmi ah uga soo xiray xarunta warbaahinta ee wasaaradda tababar socday muddo saddex maalmood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Tababarkan oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 30 xubnood oo ka kala socday waaxyaha warfaafinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa hagayay khabiir sare oo ku takhasusay saxaafadda iyo warbaahinta difaaca. Ujeeddada tababarka ayaa ahayd tayeynta, mideynta iyo casriyeynta istaraatiijiyadda warbaahineed ee difaaca qaranka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dhismaha fariimo mideysan oo taageeraya hawlgallada adag ee ay ciidamadu wadaan, iyo sidii loo wiiqi lahaa dacaayadaha iyo fikradaha qaldan ee ay faafinayaan kooxaha Khawaarijta ah.
Wasiir Fiqi oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dagaalka warbaahinta ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Wuxuu xusay in guusha dhabta ah ee lagaga adkaan karo Khawaarijta aysan ku koobneyn kaliya dhanka milatariga, balse ay si toos ah ugu xiran tahay guusha dhanka warbaahinta.
“Runta iyo xaqiiqada marka si xirfadeysan loo tebiyo, waxay noqonayaan hubka ugu culus ee aan kaga hortagi karno fikradaha gurracan ee ay faafinayaan Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wuxuu intaa ku daray in istaraatiijiyad warbaahineed oo qoto dheer ay fure u tahay soo bandhigidda guulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dhisidda kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirku waxa uu ka qaybgalayaasha kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ay si wax ku ool ah ugu adeegsadaan u gudbinta warbixino dhab ah oo ka tarjumaya geesinimada iyo dadaalka ciidamadu u hayaan difaaca dalka. “Niyadda, qiimaha iyo cududda askarigeennu waxay si toos ah ugu xiran tahay sida aan u qiimeyno una sawirno hawlkarnimadooda,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo ku dhiirrigeliyay in warbaahintu ay kaalin mug leh ka qaadato dhiirrigelinta guulaha ciidamada iyo sare u qaadidda kalsoonida shacabka.
Ugu dambayn, tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta dagaalka macluumaadka ee lagu difaacayo qarannimada Soomaaliya, iyadoo laga dhaxlay horumar dhanka xirfadaha warbaahineed ee la jaanqaadaya waaqica amni ee dalka.


