Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in kooxda Khawaarijta ay haatan ku sugan yihiin xaalad jahwareer iyo firxad, kadib weerarro culus oo ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanno ay kooxdu ku sugnaayeen.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka, Wasiir Fiqi ayaa yiri: “Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka.” Wuxuu intaas ku daray in kooxdaasi aysan hadda awood u lahayn inay wajahaan weerarrada xooggan ee ka dhanka ah, isla markaana ay ku jiraan xaalad niyad-jab iyo kala firdhid.
Wasiirka ayaa si gaar ah u bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta. Waxa uu ku amaanay ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka sida ay u wadaan dagaalka lagula jiro cadowga qaranka.
Mudane Fiqi ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan abaabul ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo gacan-ku-haynta deegaannada ay Khawaarijtu weli ku sugan yihiin, isagoo tilmaamay in howlgalladaasi ay yihiin kuwo qorsheysan, laguna wado wadajir xooggan.
Wasiirka ayaa mar kale adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo taageero ka helaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, ay ka go’an tahay in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo uu ku tilmaamay khatar ku ah amniga qaranka, midnimada ummadda iyo diinta Islaamka ee suubban.
Howlgallada socda ayaa ah kuwo muujinaya xoojinta dadaallada dowladda ee lagu xasilinayo dalka, laguna xaqiijinayo nabad waarta oo ay ku naaloodaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.