Wasiirka duulista hawada oo Muqdisho kula kulmay wasiirada duulista hawada ee dowlad goboleedyada

Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan muhiim ah Muqdisho kula yeeshay  Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Dowlad-goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo is-xogwareysi ah, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u ee dhaxeysa heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, horumarinta Garoomada Dalka, Fududeynta isu socodka Dadka iyo Badeecadaha, iyo dardargelinta adeegyada duulimaadyada Rayidka ee Gudaha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka dhageystay caqabadaha ka jira garoomada Dowlad Gobaleedyada iyo isku socodka deegaanada, waxaana laysla qaatay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo xal u helidda Caqabadaha ka jira Garoomada Dalka.

Ugu dambeyntii, waxaa kulanka laga soo saaray qodobo muhiim ah oo diiradda lagu saaray isku xirka bulshada ee iskaashiga lagula dagaalamayo Khawaarijta, iyo ka qayb qaadashada duulimaadyada diyaaradaha, adeegyada gurmadka deg-degga ah.

Wasaaradda waxaa ka go’an in ay xoojiso wadashaqeynta iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka, Garoomada, Jidadka iyo Duulista Rayidka si loo gaaro himilooyinka qaran ee horumarineed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *