Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa galabta kulan rasmi ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha, iyadoo la isla gartay in la sii xoojiyo dadaallada iskaashi ee horey u jiray.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa kulanka inta uu socday si qoto dheer uga hadlay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta adeegyada iyo fursadaha loo abuuro dhalinyarada, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda lagu horumarinayo dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Safiirka Shiinaha, Mudane Fei Shengchao, ayaa dhankiisa ballan qaaday in dalkiisu sii laba jibaari doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Shiinaha uu muhiimad gaar ah siinayo horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *