Wasiirka Amniga Gudaha oo Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya

Nairobi – Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula yeeshay kulan muhiim ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo nabadgelyada, iyadoo la iska xogwaraystay xaaladda guud ee gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo caqabadaha amni ee ka jira xuduudaha iyo gudaha dalalka deriska ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu kobcinayo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka ayaa qeyb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga, iyo is-fahamka labada dowladood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *