Muqdisho – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Bulaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, Dr. Yuusuf Saleebaan, iyo Xildhibaan Cismaan Cali Jubba.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda Caafimaadka heer federaal iyo tan dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan deegaannada SSC.
Mas’uuliyiinta ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo adeegyada caafimaad ee gobolladaasi, iyadoo la xooga saarayo tayeynta iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka, ballaarinta adeegyada hooyada iyo dhallaanka, kordhinta tallaalka, iyo bixinta adeegyo caafimaad oo degdeg ah.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalku ku doonayso in lagu hormariyo adeegyada caafimaad ee dalka oo dhan, iyada oo la iska kaashanayo heerarka kala duwan ee maamulada dalka.

