Wasiir ku-xigeenka Beeraha oo ka qaybgashay shir caalami ah oo Brazil iyo Afrika uga hadlayay sugnaanta cuntada iyo horumarinta miyiga

Brasilia – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahra Yuusuf Ige, ayaa si rasmi ah uga qaybgalay Shirka 2-aad ee Wadahadalka u dhexeeya Brazil iyo Afrika, kaas oo diiradda lagu saarayay arrimaha la xiriira sugnaanta cuntada, la dagaallanka gaajada, iyo horumarinta miyiga.

Shirkan heerkiisu sareeyo oo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Brasilia, dalka Brazil, ayaa socday intii u dhaxaysay 20–22 May 2025, waxaana ka soo qaybgalay wufuud ka kala socotay dowlado Afrikaan ah, hay’ado caalami ah, iyo ururo horumarineed.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Afrika iyo Brazil ee dhinacyada teknoolojiyadda, cilmi-baarista, iyo hirgelinta siyaasado wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha la xiriira gaajada, saboolnimada, iyo horumar la’aanta miyiga.

Marwo Sahra Yuusuf Ige ayaa kulanka ka jeedisay hadal ay ku muujisay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhab ah oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo waddamada sida Brazil u leh waayo-aragnimo dhanka wax-soo-saarka iyo siyaasadaha cunto-abuurka, si loo gaaro mustaqbal ka madax bannaan gaajo iyo saboolnimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan dhanka beeraha iyo horumarinta miyiga, iyadoo kaashanaysa fursadaha iskaashi ee heer gobol iyo mid caalami ah.

One thought on “Wasiir ku-xigeenka Beeraha oo ka qaybgashay shir caalami ah oo Brazil iyo Afrika uga hadlayay sugnaanta cuntada iyo horumarinta miyiga

  1. Greetings from Uganda.

    I am Twesige Selegio, Director of Wilma Fox Child Development Centre Uganda, a non-profit organization dedicated to supporting orphans and vulnerable children in Uganda. We provide essential services including education, healthcare, and emotional support.

    We are excited to explore potential partnership opportunities with your organization. A collaboration could enhance our impact and better serve the children we care for. We are interested in exploring partnerships in the following areas:

    1. Nutrition Programs: Providing nutritious meals and promoting healthy habits.
    2. Education and Development: Supporting early childhood development, education, and vocational training.
    3. Community Outreach: Empowering communities to promote health, education, and well-being.

    By partnering together, we can leverage our strengths and experience to create lasting change. I would be honored to discuss this opportunity further and explore how we can work together.
    https://www.globalgiving.org/donate/104179/wilma-fox-child-development-centre/ you can see more of our projects.
    Please feel free to contact me to schedule a call or meeting. I can be reached via WhatsApp at +256785521916.

    Best Regards,
    Twesige Selegio
    Director, Wilma Fox Child Development Centre Uganda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *