Wasiir dowlaha Arrimaha Guddaha oo shir-guddoomiyay shirka Guddi Howleedka Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saadaad Aliyo, ayaa maanta guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee Guddiga Howlaha Farsamada ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda.

Kulanka oo ay martigelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, iyo dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Federaalka ee ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta.

Wasiir Saadaad ayaa kulanka ka jeediyay hadal dhiirrigelin ah, isaga oo bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee guddigu wado. Wuxuu xusay in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee heer Wasiir ay garab taagan yihiin guddiga si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed iyo mid bulsho.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay mideynta fariimaha warbaahineed ee dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira wacyigelinta shacabka ku sugan deegaanada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta. Wuxuu ku baaqay in xafiisyada warbaahinta ee dowladda ay yeeshaan ajandayaal mideysan oo si toos ah ugu adeega baahiyaha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo isfahamka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee ka howlgala arrimaha xasillinta, si loo dhiso bulsho nabad ah oo ka madax bannaan colaadaha iyo argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *