Wasiirka Maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson iyo xubnaha sare oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed ee midowga Yurub ay hore ugu deeqeen Dowladda Soomaaliya oo hada wajigiisii 1-aad uu gabagabo yahay, sidoo kale waxaa laga wada hadlay qorshaha taageerada oo socondoona ilaa iyo 2027-ka.
Midowga Yurub ayaa ka mid ah saaxibada caalamiga ah ee had iyo jeer ka qeyb qaata taageerada Soomaaliya kana fuliyo mashaariic horumarineed gudaha Soomaaliya.

