Muqdisho – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah oo ay uga digeyso kacsanaanta ka jirta badda xilligan, taas oo laga yaabo inay keento xaalado khatar ah.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama roobabka iyo dabeylaha xooggan ee socda ay halis gelin karaan badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan xeebaha iyo gudaha badda.
“Badda kacsan ee hadda laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya waxay keeni kartaa khataro culus, sida hirar xoog leh iyo xaalado aan sahlanayn oo saameyn kara nolosha iyo hantida,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.
Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sidoo kale xustay inay la socoto isbeddelka cimilada iyo xaaladaha badda, waxayna bulshada ku wargelisay in la tixgeliyo digniinaha la bixiyo si looga hortago waxyeelo suurtagal ah.
Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu baaqday laamaha amniga, maamulka degmooyinka xeebaha leh, iyo hay’adaha ka shaqeeya samatabbixinta in ay diyaar u ahaadaan gurmad degdeg ah haddii xaalad degdeg ah ay dhacdo.
