Muqdisho – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gebagebeysay shir wadatashi qaran oo muhiim u ah horumarinta nidaamka ganacsi ee dalka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu dhex maray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, iyo wasiirrada ganacsiga ee dowlad-goboleedyada.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee dalka ee la xiriira diiwaangelinta iyo bixinta shatiyada ganacsiga, si loo abuuro nidaam isku dhafan oo ka jawaaba baahiyaha ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirrada ganacsiga ee Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland ayaa kasoo qeybgalay shirka. Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday dhibaatooyinka ka dhashay kala-duwanaanta sharciyada u yaalla dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, taas oo ganacsatada u keentay culeys iyo hubanti la’aan.
Waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha ay ganacsatada la kulmaan oo ay ka mid yihiin: shuruucda is burinaysa, shatiyada kala duwan ee laga qaado iyo lacagaha sharci-darro ah ee mararka qaar lagu khasbo in la bixiyo si loo helo rukhsado ganacsi.
Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la gaaro hal sharci qaran oo mideysan oo ka shaqeeya dalka oo dhan. Wuxuu tilmaamay in nidaam hufan oo mideysan uu si weyn u yareyn karo is-buurashada hay’adaha bixiya shatiyada, islamarkaana uu kobcin doono kalsoonida iyo hufnaanta suuqyada ganacsiga.
Mid ka mid ah qodobbadii muhiimka ahaa ee lagu heshiiyay ayaa ah hirgelinta nidaam dijitaal ah oo casri ah, kaas oo u suuragelinaya ganacsatada in si toos ah (online) ay uga helaan diiwaangelinta iyo shatiyada ganacsi dhammaan gobollada dalka, taas oo meesha ka saaraysa baahida safar dheer loogu yimaado caasimadda Muqdisho.
Shirka ayaa sidoo kale horseeday is-afgarad buuxa oo lagu dardargelinayo ansixinta hindisaha xeer qaran oo cusub oo lagu maamulayo diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiga. Qorshuhu wuxuu yahay in xeerkan loo gudbiyo Golaha Wasiirrada kadibna loo horgeeyo Baarlamaanka Federaalka, si uu u noqdo sharci rasmi ah oo dalka laga dhaqan geliyo.
Guusha ugu weyn ee laga gaaray shirkan ayaa ah heshiis rasmi ah oo dhex maray Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, kaas oo lagu ballamay in laga fogaado khilaafka siyaasadeed iyo is-maandhaafka maamul ee carqaladayn jiray horumarinta ganacsiga.
Wasiir Geesood ayaa muujiyay sida wadajirka iyo wadashaqeynta u yihiin furaha kobaca dhaqaale iyo horumar waara, isagoo yiri:
“Wasiirrada ganacsiga dowlad-goboleedyada waxaan ku heshiinay in laga fogaado khilaafka, oo laga wada shaqeeyo wixii dalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxtar u leh.”
Ugu dambeyntii, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la dhiso jawi ganacsi oo hufan, xasilloon, fursadna u siiya ganacsatada Soomaaliyeed inay horumariyaan ganacsigooda iyaga oo aan la kulmin caqabadaha sharciyeed ama maamul ee aan loo baahnayn.


