Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir, oo matalaya xildhibaannada deegaanada ay howlgalladu ka socdaan, kaalmo daawo ah oo loo qoondeeyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada deegaanka ee ka qeybgalaya howlgallada joogtada ah ee lagula dagaalamayo kooxda Khawaarijta.
Kaalmadan daawo ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo caafimaadka iyo daryeelka ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan kuwa ku sugan qaar ka mid ah deegaannada Gobolka Hiiraan, halkaas oo howlgallo amni oo ballaaran ay ka socdaan si looga ciribtiro kooxaha argagixisada.
Wasiirka Caafimaadka ayaa xusay in taageeradan caafimaad ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladdu ugu jirto kor u qaadidda xaaladda caafimaad ee ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huraya difaaca dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in guulaha laga gaarayo howlgallada amniga aysan suuragal noqon karin la’aanteed caafimaadkooda oo la daryeelo.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay garab istaagga ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada howlgalladu ka socdaan, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo adeegyada caafimaadka iyo horumarinta bulshada si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni deegaan.


