Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ololaha tallaalka Oof-wareenka iyo Shubanka oo loogu talagalay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed.
Munaasabadda daahfurka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Guuleed Cabdijaliil, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah sida UNICEF, WHO, GAVI, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, agaasime waaxeedyo, madaxda isbitaalada dowliga ah, xubno ka socda hay’adaha kale ee dowladda, iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.
Tallaalladan ayaa ah kuwo muhiimad gaar ah u leh caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, iyadoo lagu beegay waqti ay xanuunnada Oof-wareenka iyo Shubanka sababaan dhimasho ballaaran oo carruurta ku dhacda. Wasaaradda Caafimaadka ayaa juhdi iyo dadaal badan gelisay sidii loo heli lahaa tallaalladan muhiimka ah, kuwaas oo hadda si rasmi ah loo gaarsiiyay dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.
Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadam oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in tallaalladan ay qeyb ka yihiin qorshaha wasaaradda ee kor u qaadista caafimaadka carruurta. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed loo wacyigeliyo si ay u fahmaan faa’iidada tallaalka iyo doorka uu ku leeyahay ka hortagga cudurrada halista ah ee carruurta.
“Waxaan ka go’an Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in la xoojiyo wacyigelinta bulshada si loo xaqiijiyo in carruurta Soomaaliyeed helaan tallaal tayo leh, kuna saleysan habraacyada caafimaad ee casriga ah,” ayuu yiri Wasiirka.
Daahfurkan ayaa calaamad u ah horumar dheeraad ah oo laga gaarayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada dhexdeeda.

