Wasaaradda arrimaha dibadda Rwanda oo aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya

Kigali, Rwanda –Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Rwanda, Kabarebe James, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo Danjire Ilyaas Cali Xasan, oo ah safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah wakiilka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Munaasabadda guddoonka waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda, ayaa waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Rwanda.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in maanta nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo uu iga guddoomay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Rwanda, Mudane Kabarebe James,” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Rwanda iyo wasiirka qaabilaadda diirran ee loo sameeyay, isagoo xusay in uu rajeynayo in uu si dhow ula shaqeeyo mas’uuliyiinta dalkaasi si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

“Waan uga mahadcelinayaa soo dhawaynta diirran, waxaana rajeynayaa in aan sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Ilyaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Danjire Ilyaas Cali Xasan si uu u matalo Soomaaliya dalalka Tanzania iyo Rwanda, iyo sidoo kale Ururka Bulshada Bariga Afrika, isagoo ah danjire ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *