Hiiraan, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka gobolka Hiiraan ayaa waaberigii hore ee maanta qaaday weerar qorshaysan oo dhowr jiho ah kaga yimid dhanka Khawaarijta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku firxanayay dagaalladii ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee hoos yimaada degmada Moqokori.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanada Garas-magan iyo Ceelhareeri, halkaas oo lagu beegsaday goobihii ay Khawaarijtu isku uruursanayeen, waxaana laga saaray saldhigyadii ay halkaasi ka sameysteen.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in ciidamada huwanta ah ay cadowga u geysteen khasaare xoogan, isla markaana ka saareen godadkii iyo fariisimihii ay kaga dhuumanayeen aaggaas. Waxay sidoo kale sheegeen in Khawaarijta ay horey uga jabeen dagaalladii xooganaa ee ka dhacay Ceelhareeri maalmo ka hor.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana sifeynayo deegaannada gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.