War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka al-Shabaab oo Muqdisho ka socday

Muqdisho – War-murtiyeed rasmi ah ayaa laga soo saaray Shirweynaha ballaaran ee la-dagaalanka Khawaarijta, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 700 oo ergay, kuwaas oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, una matalayay ururrada bulshada, culimada, haweenka, dhallinyarada, iyo qeybaha kale ee muhiimka ah ee bulshada.

Ujeeddada shirweynahan ayaa ahayd in la mideeyo dadaallada lagu xoreynayo dalka, lana xoojiyo garab istaagga loo hayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku hawlan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta. Ergadii shirkan ka qeyb gashay ayaa si buuxda u muujisay taageeradooda dagaalka lagula jiro argagixisada, waxayna ku baaqeen in laga wada qeyb qaato hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka oo si rasmi ah loo soo xiray ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo jeediyay khudbado dhiirrigelin iyo baaq mideysan ah xambaarsanaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay furitaanka xafladda soo xiritaanka ayaa yiri:
“Dadka la beegsanayo waa muwaadiniintii aad matasheen. Baraarugga aad muujiseen iyo mideynta dadaallada la-dagaalanka Khawaarijta waxaan idiinka muujinayaa mahadnaq iyo bogaadin.”

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka, Mudane Cali Xaaji Aadan, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadlay shirkan, isagoo yiri:
“Khawaarijtu waxay ka qaxeen meelo badan, waxayna isugu yimaadeen deegaanadeenna. Waa in aynu u midoobnaa sidii aan u ciribtiri lahayn una soo afjari lahayn jiritaankooda.”

War-murtiyeedka laga soo saaray shirkan ayaa si cad u muujinaya baahida loo qabo midnimo qaran iyo wadajir bulsho si loo gaarsiiyo guul buuxda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, loona xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni siyaasadeed oo dalka oo dhan laga dareemo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *