Nairobi, Kenya – Wafdi heer sare ah oo ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Faarax Nuux, una wehlinayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa ka qeyb galay shir heer caalami ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada (IATA), ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha duulista rayidka, is-waafajinta siyaasadaha duulista hawada iyo hirgelinta hab-raacyada ugu wanaagsan ee caalamka laga adeegsado.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay madax sare oo ka kala socday hey’adaha duulista rayidka ee caalamka, shirkadaha diyaaradaha, iyo maamulayaasha garoomada diyaaradaha, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada duulista rayidka iyo kor u qaadidda heerka amni, hufnaan iyo isku xirka hawada.
Intii uu socday shirka, wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda ka socotay dalalka iyo hay’adaha kale ee ka qeyb galayay, waxaana ka mid ahaa kulan miro-dhal ah oo ay la qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabeyaasha Dalka Kenya, Mudane Davis Chirchir. Kulankan ayaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga gobolka ee duulista rayidka iyo horumarinta xiriirka gaadiidka labada dal ee dariska ah.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta adeegyada duulista rayidka, ilaalinta iyo hirgelinta shuruucda caalamiga ah ee duulista, iyo dhiirrigelinta kobaca dhaqaale ee ku dhisan gaadiidka hawada.
Ka qeybgalka wafdiga Soomaaliyeed ee shirkan ayaa muujinaya dadaallada ballaaran ee ay Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska, casriyeynta iyo kor u qaadidda adeegyada duulista rayidka, iyadoo si firfircoon uga qeyb qaadaneysa iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira maamulka hawada, ammaanka duulista, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.