Volodymyr Zelensky oo soo bandhigay shuruudo uu shaqada uga tagi karo

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id uu qabtay , wuxuu ku ku caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain .

Zelensky ayaa sheegay haddii la soo bandhigo dammaanad qaad amni uu iska tagi doono, waxaa kalo uu soo bandhigay sidoo kale inuu xilka ka deggayo haddii Ukraine ay ku biirayo Isbaheysiga NATO.

Zelensky, wuxuu ku celiyay inaysan ka dhaci karin doorashada Ukraine, iyadoo lagu jiro marxalada haatan ka  taagan dalkaasi.

Zelenky ayaa is weydiiday su’aalo doora oo ay ka mid yihiin; sida ay doorasho ku dhici karto iyadoo marxalad dagaal dalku ku jiro? Taasoo sababaysa in ciidamadu aanay codeyn Karin, gobolada qaarkoodna aan laga codeyn Karin iyo in aanay codeyn Karin dad badan uu Ukrain u dhashay haatana ku sugan dalka dibadiisa.

Madaxweynaha Ukraine ayaa diidday inuu saxiixayo heshiis uu Mareykanka khayraadka Ukraine ku helayo, isagoo ku andacooday 10 jiil oo dadka reer Ukraine ah khayraadkii ay adeegsan lahaayeen inuusan hadda bixin doonin qiimo kasta oo la soo bandhigo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *