UK oo kaalmo badan u balan qaaday dowlada Soomaaliya xilli dowlada Soomaaliya ay kordhisay la dagaalanka argagixisada

Muqdisho – Iyadoo Soomaaliya ay wajahayo xaalad amni oo sii cakiran, gaar ahaan mid ka dhalatay xoogeysi cusub oo kooxda Al-Shabaab ay sameynayso, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay si weyn u kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF), si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Dowladda UK ayaa shaacisay inay $3.9 milyan oo dollar ku kordhisay taageerada dhaqaale ee Sanduuqa Taageerada Soomaaliya (SSF), kaas oo ay maamusho Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Sanduuqan ayaa taageero siiya ku dhowaad 18,900 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska Soomaaliya.

Sanadka 2024 oo kaliya, dhaqaalahan UK ayaa suurta geliyay in Ciidamada Amniga Soomaaliya ay helaan 6,000 tan oo raashin ciidan ah, 2,000 tan oo shidaal naafto ah, iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah oo la siiyay boqolaal askari oo dhaawac ah.

UNSOS ayaa xustay in ay u baahan tahay ugu yaraan $2 milyan bil walba si ay u taageerto kordhinta tirada ciidamada Soomaaliya oo la filayo inay gaaraan 20,900 askari, iyadoo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2767 (2024).

Danjiraha UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo dhawaan xilka ka degaya, ayaa sheegay in kordhinta taageeradan ay muujineyso sida UK ay weligeed u garab taagneyd Soomaaliya.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad ah si loogu guuleysto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata. Waxaan ku dhiirrigelinayaa saaxiibada kale ee caalamka inay wax ku biiriyaan sanduuqa SSF si loo taageero geesiyaasha Ciidamada Amniga Soomaaliyeed oo halgan ugu jira nabadda iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Danjire Nithavrianakis.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa isna ammaanay taageerada UK, wuxuuna xusay in sanduuqan uu yahay laf-dhabarta howlgalka amni ee dalka, isagoo carabka ku adkeeyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in si hufan oo mas’uuliyad leh loo maareeyo deeqahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan UK ay qaaday ayaa imaneysa xilli sanadkii hore Mareykanka uu joojiyay taageeradii raashin iyo shidaal ee uu siin jiray ciidamada Danab, kaddib markii ay soo baxday eedeyn la xiriirta musuqmaasuq iyo lunsasho sahay ah, taasoo dhalisay walaac ku saabsan hufnaanta maamulka kheyraadka ciidamada qaar.

Taageeradan cusub ee UK ayaa si weyn loogu arkaa mid dhiirrigelinaysa dadaallada Dowladda Federaalka ee dib-u-dhiska ciidamada iyo la dagaallanka khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *