Todobo qof oo isku qoys ah oo ku dhaawacmay dab ka kacay gaaska cunnada lagu karsado magaalada laasa caano

Wararka ka imaanaya Magalaada Laas Caano ee magaala madaxda dowlad goboleedka SSC Khatuma ayaa sheegaya in todobo qof oo isku qoys ah ay ku wax yeeloobeen gaaska cunnada lagu kariyo.

Dhacdadan ayaa imanaysa ka gadaal markii uu ku qarxay gaaska ka oo u ka dhashay dab xoog leh kaasoo waxyeeolo ba’an soo gaarsiiyay todobada qof.

Qoyska, oo ka kooban afar carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, ayaa dhammaantood yaala Isbitaalka Gargaar ee Laascaanood.

Dr. Ismaaciil, oo ka howlgala Isbitaalka, ayaa sheegay in xaaladaha dhaawacyada ay kala duwan yihiin. Haatana ay la tacaalayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *