Taliyaha Ciidanka Dhulka militariga Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula la qaatay Wafdi ka socdo Midowga Yurub oo booqasho ku yimid Dalka maanta, 20 December 2024.

Taliyaha ayaa ugu horeyn wafdiga uga mahadceliyay booqashada ay Dalka ku so gaareen sheeygana inuu  arko inay mid muhiim ah tahay.

Intii kulanka uu socoday labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageeridda Ciidanka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa loona casriyayn lahaa tababarada joogtada ah ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa Midowga Yurub kaga mahadceliyey doorka ay ka qaateen dagaalka ka dhanka Khawariijta Argagixisada iyo Tababarada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *