Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray

Taliyaasha ciidanka Qaranka ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah soo saaray war-murtiyeed ku Saabsan xaaladda labada dal. Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidamada xooga dalka Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula, oo uu wehlinayo taliyaha sirdoonka qaranka Ethiopia Redwan Hussein soo gaaray magaalada Muqdisho.

War martiyeedka ay soo saareen wuxuu inta badan daarana ilaalinta danaha laba geesoodka ah iyo sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa loona hirgelin heshiiskii ay hogaamiyayaasha labada dal ku gaareen magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Wuxuu kaloo war murtiyeedku diirada saarayay dhowrida amaanka gobolka iyo xoojinga la dagaalana al-Shabab.

Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona magaca AUSSOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *