Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo Gobalada Hiiran iyo Shabellaha dhexe ka wado dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada kooxta al-Shabab ayaa maanta dhiiragalin ugu tagay Ciidamo ka tirsan xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan Deegaanka Qoryaale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiran
Taliyaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Masuuliyiin kale
Taliyaha ayaa Geesiyadan ku dhiira galiyay doorka Dagaalka al-Shabab iyo sida naf hurnimada leh oo ey Deegaanadooda ugu difaaceen.
Geesta kale Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyadan u xaqiijiyay iney dowladu la garab taagan tahay Saad iyo Saanad intaba dhaawacoodana ay gurmad deg deg ah uu heli doonaan
Ciidamada xaq u dirirka Deegaanka ayaa kaalin adag ku leh Dagaalka Dalka looga Xureynayo dagaalyanada al-Shabab qeybo badan oo ka mid ah dalka.


