Soomaaliya: Xildhibaan ku baaqay Kacdoon Shacab oo looga soo horjeedo dowladda

Maxamed Cali Cumar “Cananuug” oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa dhaliil xoogan u Jedaiyaay nidaamka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu wax ku maamulayo, isagoo baaq dheerna u diray Shacabka, gaar ahaan dhalinyaradda.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay ku deysadaan kuwa Kenya oo ku qasbay xukuummadii dalkaas in la rido,” ayuu yiri Xildhibaan Caananuug.

Wuxuu xusay in in nidamka Xasan Sheekh uu yahay mid sii burburinaya dowladnimada Soomaaliya, loogana bahanyahay in uu wax ka badalo siyaasadiisa, haddii uu kusii adkeystana dalka uu ugu dambeyn tagi doono meel an wanagsaneyn.

“Aniga lix jeer ayaan dhaawacmay, Maxkamadihii uu Sheekh Shariif hogaaminayey ayaan kamid ahaa, naftu halmar ayey go’aysaa cid i handadikartana majirto”, Xildhibaan Caana-nuug ayaa hadalkiisa intaas ku daray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *