Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid adag oo ku dhisan iskaashi iyo is-faham wanaagsan.
Mudane Cali Balcad oo ka hadlayay shirka arrimaha diblumaasiyadda ee ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in labada dal ay wadaagaan dano istiraatiiji ah oo muhiim u ah xasilloonida gobolka. “Waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan oo naga dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Labada dhinacba waxay u arkaan in doorka Turkigu yahay mid wanaagsan,” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in xasilloonida labada dal ay tahay mid si wadajir ah u dan u ah gobolka. “Soomaaliya xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya. Labaduba waa kuwo wanaagsan oo u roon gobolka iyo dadkeennaba,” ayuu yiri wasiiru dowlaha.
Hadalkan ayaa imanaya xilli iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka amni ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhawaan dib u soo cusboonaaday, kaddib heshiis laga gaaray xiisad soo kala dhex gashay labada dal, taasoo ka dhalatay markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay maamulka Somaliland.
Dhowaan ayey ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay oggolaatay in Itoobiya ay 2,500 askari ku yeelato howlgalka xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), taasoo loo arko tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.