Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay arimaha amaanka iyo ciidanka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay dhigiisa dalkaas Abdul Majeed Saqr.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay sii adkeynta iskaashiga dhanka ciidanka iyo amaanka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wadahadlay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM kaas oo Soomaaliya ka bilowday 1-dii bishaan Janaayo.

Arintaan ayaa imanaysa ayadoo ay weli Itoobiya galaangal adag ugu jirto sidii ay dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamkaba uga dhaadhicin lahayd sidii Masar looga reebi lahaa hawlgala cusub ee AUSSOM.

Labada dowladood ayaa ka dhaxeeya muran dhanka biyo xireenka Itoobiya iyo biyaha wabiga Niil ee Masar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *