Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Hoggaanka iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliiska, kaas oo toddobaadkan si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga guud ee dalka.
Kulanka ayaa looga gol lahaa sidii looga hortagi lahaa falalka amni darrada ah ee ay qorsheynayaan kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku dayaya in ay weerarro ka geystaan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, si ay u yareeyaan cadaadiska xooggan ee kaga heysta furimaha dagaalka ee ciidamada amniga ay ku suganyihiin.
Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa u mahadceliyay saraakiisha amniga, isagoo ku bogaadiyay sida ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Wuxuu faray in mas’uul walba uu labanlaabo dadaalkiisa shaqo, isla markaana la adkeeyo wada shaqeynta ka dhaxaysa laamaha kala duwan ee amniga.
“Waa in la xoojiyo is-kaashi buuxa oo ka dhexeeya qeybaha kala duwan ee booliiska si loo sugo amniga loogana hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu adkeynayo sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyadoo la doonayo in laga hortago qorshe kasta oo kooxaha argagixisada ay damacsan yihiin in ay ku carqaladeeyaan xasilloonida iyo nabadda dalka.