Soomaalia: Hoobiyayaal caruur ku dilay xaafado ka mid ah Muqdisho

Muqdisho – Ugu yaraan hal qof oo caruur ah ayaa ku dhimatay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii hoobiye ay kooxda Al-Shabaab ku tuurtay xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir uu haleelay caruur isku qoys ah oo u socday dugsi Qur’aan.

Hoobiyahan ayaa ku dhacay xilli ay carruurtu marayeen waddo ku taalla xaafadda, sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen waalidiinta carruurta. Mid ka mid ah carruurta ayaa goobta ku geeriyooday, halka labada kale xaaladooda caafimaad lagu sheegay mid culus.

Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya billowday guluf dagaal oo ballaaran oo lagula wareegay deegaanno ay horey ugu dhuuman jireen kooxdaas, waxa ay bilaabeen inay beegsadaan dadka shacabka ah, iyaga oo adeegsanaya hubka ridada dheer sida hoobiyeyaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday carruurta, waxayna ku celisay inaysan ka leexan doonin dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *