Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay ajaanib iyo Soomaali si sharci daro ah uga dhoofsanaayay ugaarta duurjoogta ah xeebaha maamulkaasi
Ajanibtaan oo ahaa laba nin oo ka soo jeeday dalalka carabta iyo Somali caawinayay ayaa lagu qabtay iyagoo doon ku wata xayawaanka Haramcadka xili ay rabeen inay la baxsadaan.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Gobolka Saaxil ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen nin kale oo magaalada Berbera ku sugnaa kaasoo la shaqeynayay kuwa doonta ku watay Hareemacadka si looga dhoofiyo dhulka Maamulka Somaliland loona geeyo meel ka baxsan Somalia.
Dhacdada maanta ayaa ku soo aadeysa xili Toddobaadkii hore ay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Maamulka Somaliland sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigeen dooni lagu waday 12 xayawaanka hareemacadka yaryar ah oo la doonayey in sharci-darro lagu dhoofiyo,.