Somaliland oo SSC Khaatumo ku eedaysay masuuliyadda dagaalkii maanta ka dhacay Buqdharkayn

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Buqdharkayn ee dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo uu bilowday kadib markii ciidamada SSC Khaatumo ay isku dayeen inay dhacaan xoolo la waraabinayay. “Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan kooxaha la baxay Khaatumo ayaa weerar kusoo qaaday dad shacab ah oo ka dhaansanayey baraagahooda deegaanka Buqdharkayn, iyagoo u socday dhaca xoolaha nool,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Somaliland waxay sheegtay in dadka deegaanka ay si adag iskaga difaaceen waxa ay ugu yeedheen weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen kooxo hubaysan, isla markaana jab culus la gaadhsiiyay. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada SSC Khaatumo khatar ku yihiin amniga gobolka.

“Annagoo ka xun in Firdhiye uu bisha barakaysan ee Ramadaan u arko dhiig uu daadiyo guul siyaasadeed, isla markaana colaad ka dhex abuuro dadka walaalaha ah, Somaliland waxay diyaar u tahay nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda,” ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *