Somaliland oo Daahfurtay Mashruuc $100 Milyan ah oo Lagu Horumarinayo Wax-soo-saarka Beeraha

Hargeysa – Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday mashruuc ballaaran oo dhanka wax-soo-saarka beeraha ah, kaasi oo ku kacaya $100 milyan, waxaana maalgelinaya shirkadda African Food Security oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Somaliland ugu jirto xoojinta wax-soo-saarka gudaha, si looga jawaabo baahiyaha sii kordhaya ee cunnada, iyada oo loo marayo maalgelin caalami ah iyo iskaashi lala yeesho shirkadaha horumarinta beeraha. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Beeraha, mashruuca waxaa fulin doonta shirkadda African Food Security oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka shaqeeya horumarinta beeraha qaaradda Afrika.

Heshiiska mashruuca waxaa si rasmi ah u saxeexay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaana si toos ah u shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Maxamuud Cige Yuusuf, iyo Wasiir-ku-xigeenka, Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu xusay in shirkadda African Food Security ay tilmaantay in buqcada istiraatijiyadeed ee Somaliland ay u suuragelin karto in mustaqbalka la dhoofiyo wax-soo-saarka dalagyada beeralayda Somaliland, gaar ahaan suuqyada waddamada Gacanka sida Sucuudi Carabiya iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa horey u sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta wax-soo-saarka beeraha, maadaama helitaanka cunto ammaan ah ay ka mid tahay caqabadaha ugu waa weyn ee haysta shacabka Somaliland.

Somaliland ayaa inta badan cuntada ay isticmaasho kasoo dhoofsata dalal dibadda ah, iyadoo beeraleyda gudaha ay soo saaraan qadar kooban oo aan dabooli karin baahida bulshada. Qodobbada caqabadaha ah waxaa sidoo kale ka mid ah helitaanka biyaha iyo dhulka beeraleydu ka shaqeeyaan, maadaama deegaanka Somaliland uu u badan yahay dhul qalalan oo saxare ah, isla markaana aysan jirin maalgelin ku filan oo lagu horumariyo kaabayaasha biyaha iyo tiknoolojiyadda casriga ah ee beeraha.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu yeesho saameyn togan oo xagga kor u qaadista wax-soo-saarka, abuurista fursado shaqo, iyo yaraynta ku-tiirsanaanta cunnada dibadda laga keeno.

One thought on “Somaliland oo Daahfurtay Mashruuc $100 Milyan ah oo Lagu Horumarinayo Wax-soo-saarka Beeraha

Leave a Reply to Wargeyska Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *